• Waxaad xaq u leedahay in aad kulanka u soo wadato qareen ama wakiil kale

    Haddii aadan qareen lahayn, urur ayaad la xiriiri kartaa oo caawin weydiisan kartaa. Ururrada noocan ah waxaa tusaale ahaan ka mid ah:

    Ururka norwiijiga ee magangelyadoonayaasha (NOAS)
    JussBuss
    Is-caawinta soo-galootiga iyo qaxootiga (SEIF)
    La-talinta arrimaha sharciga ee dumarka (JURK)

  • U soo diyaargaroow mawduuca kulanka

    Mawduuca kulanku wuxuu noqon karaa kiiska oo dhan. Laakiin wuxuu sidoo kale noqon karaa qayb kiiska ka mid ah oo keliya, annaga oo taas horay kuugu soo sheegi doonna. Had iyo jeer soo akhriso go’aankii u danbeeyay ee lagaa gaaray, oo la hadal wakiilkaaga.
  • Khalad ama is-fahamdarro ma ku jiraan kiiska?

    Haddii aad aamminsan tahay in ay khalad iyo is-fahamdarro kiiska ku jiraan, waa in aad noo sheegtaa. Waxay tusaale ahaan kuwaasi ku jiri karaan wareysigii magangelyada ama go’aankii UDI-da. Uma baahnid in aad noo sheegto waxa ku qoran cabashada, maxaa yeelay taas horay ayaannu u soo akhrisannay.

  • Ogow dhammaan dadka jooga kulanka guddiga arrimaha ajaaniibta waxaa saaran waajib xog qarin

    Dhammaan dadka jooga kulanka guddiga arrimaha ajaaniibta waxaa saaran waajib xog qarin. Taas oo micnaheedu yahay in aan loo oggolayn in ay kiiskaaga meelo kale uga hadlaan. Sidaas darteedna si xor ah ayaad u hadli kartaa. Kulanka albaabbadu waa u xiran yihiin, oo qof aan shaqo ku lahayn ma ogaanayo waxa meesha ka dhacaya.

  • Haddii aad haysid warbixin cusub oo kiiska ku saabsan, waa in aad kulanka ka hor soo gudbisaa

    Haddii aad haysid warbixin cusub, ama doonaysid in aad dukumiinti dhiibtid, waa in adiga ama wakiilkaadu aad kuwaas noo soo dirtaan wakhti fiican kulanka ka hor. Waxay taasi muhiim u tahay sidii uu guddigu si wanaagsan ugu diyaargaroobi lahaa.

  • Waa inaan helnaa dukumeentiyo caddeynaya aqoonsigaaga.

    Inta badan aqoonsiga qofka ayaa kulankaan ah mawduuc muhiim ah. Haddii aad haysid, ama aad dalkaagi ka keeni kartid baasabboor ama dukumiinti aqoonsi oo kale, waa in aad kuwaas noo soo dirtaa wakhti fiican kulanka ka hor. Dukumiintiyada waxaa loo baahan yahay in ay orijinaal ahaadaan. Aqoonsigu waa warbixinno badan oo marka laysu geeyo sheegaya qofka aad tahay. Warbixinnada noocan ah waxaa tusaale ahaan ka mid ah magacaaga, taariikhda dhalashada, waalidkaa iyo meesha aad ku dhalatay. Haddii aadan haynin dukumiinti muujinaya waxyaalahan oo idil, waxaa si kastaba muhiim ah in aad noo soo dirto waxa ugu badan ee aad heli karto.
  • Soo sheeg haddii aad baahi gaar ah qabto

    Haddii aad u baahan tahay caawin khaas ah iyada oo ay sababtu tahay in aad qabto nooc curyaannimo ah, dhibaato caafimaad ama baahi kale oo khaas ah, waa in aad u soo sheegtaa sida ugu dhakhsaha badan ee suuraggalka ah.

  • Maqnaansho sharci ah
    Haddii aad xanuunsato, waxaa lagaa rabaa in aad soo gudbiso dukumentiyo caddeynaya xanuunka iyo in xanuunkani kaa hor istaagayo ka soo qaybgalka kulanka guddiga (Utlendingsnemnda). Mas’uuliyaddan adigaa iska leh. Waa in aad isla markiiba noo soo sheegtaa in aadan iman karin, isla markaana aad dukumentiyada usoo dirtaa sida ugu dhaqsaha badan. Kulanka markaa, sida caadiga ah, waa in dib loo dhigaa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhici kara ka-reebitaan gaar ah. Mabda’ ahaan, ma aqbalno sabab kale oo maqnaansho ah marka laga reebo xanuun si dukumentiyo ah loo caddeeyey.

  • Habeen dhax iyo safar
    Waxaa lagaa dabooli karaa kharashaadka safarka ee aad ugu soo safreyso kulanka guddiga (nemndmøte) iyo kharashaadka hoyga, haddii aad u baahato. Arrintan waxaa kaa caawiya qareenkaaga ama wakiilkaaga. Haddii aadan haysan qareen ama wakiil, waxaad macluumaad ku saabsan safarka iyo hoyga ka heli kartaa bogga loogu talagalay qareennada iyo wakiillada, hoosta cinwaanka «reise og dekking av reiseutgifter».