1. Go’aanka si fiican u akhriso

Waxaa had iyo jeer go’aanka ku qoran sababta ay UDI codsiga u diidday. Haddii ay halkaas ku qoran tahay in ay codsiga wax ka dhimman yihiin, waad noo soo diri kartaa waxaas dhimman. Markaas waxaan eegi doonnaa waxa aad noo soo dirtay oo bal baaraynaa in ay kuwaasi kiiskaaga wax ka beddelayaan.

2. Caawin ayaad codsan kartaa

Kiisaska qaar ayay dawladdu bixisaa kharashka qareenkaaga. Markaas UDI ayaa taas kuu sheegeysa. Kiisaska kale oo idil ma lihid qareen bilaash ah. Markaana waa in aad qareenka lacagtiisa adigu iska bixisaa.

Waxaa sidoo kale jira hay’ado ku caawin kara haddii ay kugu adkaato in aad qareen hesho. Hay’adaha noocan ah waxaa ka mid ah Hay’adda norwiijiga ee qaxootiga (NOAS), JussBuss, Is-caawinta soogalootiga iyo qaxootiga (SEIF) iyo la-talinta sharciga ee dumarka (JURK). Haddii ay ku matalayso cid aan qareen ahayn, waa in ay ciddaasi UNE u soo dirtaa caddaynta wakiilashada. Wakiilashadu waa oggolaasho lagu oggolaanayo in uu qof kale arko dhammaan waraaqaha kiiskaaga oo uu qofkaasi kiiska kuula socdo.

3. Haddii aad guurtay, waa in aad booliska u sheegtaa meesha aad deggan tahay

Haddii aadan sheegin meesha aad u guurtay, waxaa dhici karta in diidmo lagu siiyo.

4. Waa muhiim in ay UNE og tahay qofka aad tahay

Kiiskaaga ayay u fiican tahay haddii aad noo soo dirto warqado aqoonsi oo dalkaagi ka soo baxay, weliba waxaa ugu fiican baasabboor aan dhicin. Haddii aadan haysan warqado aqoonsi oo dalkaagi ka soo baxay, waa in aad taas noo sheegtaa islamarkaana aad noo sheegtaa sababta aadan u keeni karin. Diidmo ayaa codsigaaga lagaa siin karaa haddii aad warbixinno khalad ah ka bixisay qofka aad tahay.

5. Haddii aad hayso warbixinno cusub oo kiiskaaga ku saabsan, waa in aad kuwaas noo soo dirtaa

Kiis-ka-baaraandegidda UNE waxay u dhacdaa hab qoraal ah. Taas oo micnaheedu yahay in adiga ama qareenkaaga/wakiilkaaga in la idiinka baahan yahay in aad macluumaadka qortaan oo noo soo dirtaan. Warbixinno kiiskaaga ku saabsan teleefan kaagama qaadan karno. Warbixinnada qaarkood, tusaale ahaan kuwa caafimaadka ku saabsan waa in la soo caddeeyaa.