UNE waa hey’ad cabasho loo qaato

Shaqada UNE waa in aan hubinno in uu go’aanka UDI sax yahay. Marka uu qofku cabasho ka qaato diidmada UDI, mar kale ayaan kiiska qiimayn ku samaynaa. Kuma khasbanin in aan raacno diidmadii UDI, laakiin isku xeerar ayaan raacnaa. Diidmooyinka badankooda lama beddelo.

UNE forbereder saken din

UNE ayaa kiiskaaga diyaarisa

Waan kuu soo sheegeynaa marka uu kiiskaagu na soo gaaro. Kiisaska UNE soo gaara waxaa intooda badan laga baaraandegaa innaga oo aan la hadlin qofka uu kiisku khuseeyo. Taas oo ay sababteedu tahay in ay UDI kiisaska horay u soo diyaarisay. Haddii loo baahdo, warbixinno kale oo kiiskaaga ku saabsan ayaan soo qaadannaa.

UNE vurderer saken din

UNE kiiskaaga ayay qiimayn ku samaysaa

Qiimayn ayaan ku samaynaa dhammaan warbixinnada kiiskaaga iyo wixii aad cabashada ku soo qortay. Warbixintan ayaa loo eegayaa sida uu sharcigu dhigayo. Ugu yaraan laba qof ayaa had iyo jeer kiiska eegaya.

Du får skriftlig svar fra UNE

Jawaab qoraal ah ayaad UNE ka heli doontaa

Marka aan dhammayno ka-baaraandegga kiiskaaga, go’aan qoraal ah ayaad naga heli doontaa. Taas oo micnaheedu yahay in kiiska go’aan laga gaaray, kaddib markii ay UDI iyo UNE labaduba qiimeeyeen. Haddii ay UNE diidmo ku siiso, ma jirto meel kale oo cabasho loo qaato.