Kiisaska qaar ayaan u baahannaa in aan la hadalno qofka kiisku khuseeyo. Markaas oo kale waxaa dhici karta in aan kuugu yeerno wareysi kiiska lagu diyaarinayo. Oo loogu yeero wareysi maammul.

Ujeeddada laga leeyahay wareysiga kiiska lagu diyaarinayo waa in la hubiyo in kiisku u diyaarsan yahay sida uga fiican ee suurtaggalka ah ka hor inta aan go'aan laga gaarin. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in aan su'aalo ka qabno waraaqo ama warbixin cusub oo aad bixisay, oo aan doonayno in aan kaala hadalno ka hor intaynaan kiiskaaga go'aan ka gaarin.

Adiga ama dadka kale ee uu kiisku khuseeyo waad codsan kartaan in la idinla yeesho wareysiga kiiska lagu diyaarinayo. Ma dalban kartid in wareysi lagula yeesho. Annaga ayaa go'aaminayna in aan ku wareysanayno iyo in kale. Sida caadiga ah UNE kiisaska waxaa looga baaraandegaa hab qoraal ah.

Annaga ayaa kula soo xiriirayna

Haddii aan u aragno in loo baahan yahay in aan kula yeelanno wareysi kiiska lagu diyaarinayo waxaan la soo xiriiraynaa adiga, ama qareenkaaga ama qof kale oo kiiska wakiil kaaga ah. Waxaan ka ballamaynaa wakhtiga wareysigu dhacayo iyo sida uu u dhacayo. Waxaan sidoo kale kala caddayn doonnaa haddii ay jiraan kharashaad gaar ah oo aad u baahan tahay in lagaa bixiyo.

Markaan qabsanno ballanta wareysiga kaddib ayaan waxaan kuu soo diro doonnaa warqad xambaarsan warbixin dheeri ah. Haddaad leedahay boosto dhigitaal ah, halkaas ayaa warqadda laguugu soo dirayaa. Haddii aadan lahayna ciwaankaaga boostada ayaa laguugu soo dirayaa.

Haddii aan wareysi kuugo yeerno, kuma khasbanid inaad noo timaaddo. Haddii aadan doonayn in aan wareysi kula yeelanno, waxaa muhiim ah in aad na soo wargeliso.

Wareysiyada badankoodu waxay u dhacaan hab dhigitaal ah

Sida badan wareysigu wuxuu u dhacaa hab dhigitaal ah oo la adeegsanayo Microsoft Teams. Waxaan aragnay in ay isku mid yihiin wareysiga dhigitaalka ah iyo midka la isla joogo. Si wareysi dhigitaal ah lagaaga qaado waxaa loo baahan yahay inaad joogi karto qol aan qashqashaad lahayn oo aysan joogin dad aan loo baahnayn. Mararka qaarkood wuxuu wareysigu ka dhacaa xafiiska qareenka ama meel la mid ah. Mararka qaarkood na telefoon ayaa dadka lagu wareystaa.

Waxaa jiri kara sababo kala duwan oo keeni kara in loo baahan yahay in wareysigu dhaco ayada oo la isla joogo. Markaas wuxuu ka dhacayaa golaha UNE. Adiga laftigaaguna waad codsan kartaa in golahayaga lagugu wareysto. Taas ayaan isku dayi doonnaa, laakiin waxba ma ballan qaadi karno.

Ma gelayo booskii kulanka guddiga

Wareysiga kiiska lagu diyaarinayo lama mid ah kulan guddi. Kulan guddi ayaa la qananayaa, haddii aan la hubin natiijada saxda ah ee kiiska. Taas oo aan ku xirnayn in aan wareysi kula yeelannay iyo in kale. Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa warbixin dheeri ah oo ku saabsan kulanka guddiga. (English only)

Carruurta gaar u khusaysa

Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in warkooda la dhegaysto marka uu kiisku ayaga khuseeyo. Carruurtu inay fikraddooda afka ka dhiibtaan ayaa aalaaba uga fudud inay hab qoraal ah ku dhiibtaan. Wareysiga ayaana ahaan kara hab wanaagsan oo carruurta fikraddooda lagu dhegaysto. Sidaas darteed ayayna UNE carruurta mararka qaar u wareysataa, ayada oo xataa laga wareysto kiisaska waalidka ama kuwa dad kale oo soke.

Kiis walba goonidiisa ayaan u eegnaa marka la qiimaynayo in aan qofka wareysi la yeelanno iyo in kale. Ilmaha laftigiisu wuu codsan karaa in la wareysto. Laakiin UNE ayaa go'aaminaysa in ilmaha la wareysanayo iyo in kale. Si kastaba carruurta marna waajib kuma aha inay kiiska fikraddooda ka dhiibtaan ama ay noo warramaan.

Ilmaha waxaa wareysiga la joogaya abbaan, qof wakiila oo loo qabtay ama qof taageera oo uu ilmuhu doortay. Waa inay waalidku/abbaanku marka hore ilmaha u sheegaan waxa kiisku ku saabsan yahay. Waxaa na saaran waajib xogqarin oo ma sheegi karno warbixinta kiisaska waalidka iyo kuwo dad kale midna. Halkaan ayaad ka daawan kartaa filim ku saabsan xaqa ay carruurtu u leeyihiin inay fikraddooda dhiibtaan.

Warbixin baraatiko ah

Wareysiga ka hor waxaad naga heli doontaa warqad kuu sheegaysa waxa wareysigu ku saabsan yahay iyo haddii ay jiraan mawduucyo ama su'aalo gaar ah oo aad u soo diyaargaroobayso. Waxaa muhiim ah inaad warqadda si fiican u akhriso oo aad timaaddo adiga oo diyaar ah. Xusuuso inaad soo qaadato dukumiintiga aan kaa dalbanno.

Carruur aan wareysiga loogu yeerin wareysiga ma joogi karaan. Haddaad haysato carruur u baahan in la hayo, waa inaad heshaa qof carruurta kuu haya.

  • Waxaan kuu soo diraynaa warqadda warbixinta iyo iimayl casumaad ah oo aan kalandarka kuugu soo dirno.
  • Waa inaan iimaylkaaga diiwaangelinnaa si aan casumaad kuugu soo dirno.
  • Casumaadda kalandarka waxaa ku qoran wakhtiga kulanka iyo linkiga Microsoft Teams.
  • Linkiga ayaad riixaysa ka hor intaan kulanku billaaban.
  • Waa inaad fadhidaa meel aan lagu qashqashaadayn oo aysan joogin dad aan loo baahnayn.

Waajib xogqarin ayaa saaran ka-qaybqaatayaasha wareysiga oo dhan. Taas oo ka dhigan inaan loo oggolayn inay kiiskaaga meelo kale uga hadlaan.

Sida caadiga ah madaxa guddiga ayaa wareysiga hoggaamiya. Waxaa kale oo ka qaybqaadan kara dadka soo socda:

  • Kiis-hayaha
  • Qareen ama wakiil kale
  • Turjubaan
  • Carruurta: Abbaan, wakiil loo qabtay ama qof kale oo taageere ah

Marka hore qof kasta magaciisa ayuu sheegayaa. Haddii uu wareysigu Teams ka dhacayo, waxaan hubinnaa in dhammaan la is maqlayo, iyo in dhammaan la joogo meel aan qashqashaad lahayn - iyo in qalabka sancadu u shaqaynayo sidii loo baahnaa.

Sida caadiga ah ayadoo aan hadalka lagaa dhex gelayn ayaan kaa codsannaa inaad ka warranto mawduuca wareysiga. Mararka qaarkood na wareysigu wuxuu yeelan karaa qaab aan su'aalo ku weydiinayno adiguna aad ka jawaabayso.

Haddii ay kula socdaan qareen, abbaan ama dad kale, fursad bay u heli doonaan inay su'aalo ku weydiiyaan.

Tixraac ayaan ka qornaa wareysiga. Dhammaadka kulanka ayaanan dulmarnaa qodobbadii ugu waaweynaa ee aan ka hadalnay.

Tixraac ayaan kuu soo diri doonnaa kulanka kaddib. Haddii aad leedahay qareen, abbaan ama wakiil ayagana waan u diraynaa tixraaca.

UNE ayaa daboosha kharashka adiga kugu baxaya haddii aan annagu wareysiga dalbannay. Waxaan tusaale ahaan daboolnaa kharashka safarka ee sii socodka iyo soo socodka ee golahayaga. Waxaan xataa mararka qaar daboolnaa kharashka cawabariga haddii loo baahan yahay.

Waxaan sidoo kale dabooli karnaa kharashka wareysiga dhigitaalka ah iyo midka telefoonka ah, iyo safarka aan laga maarmin ee aad ku tegayso xafiiska qareenkaaga ama xarrun arrime dibadeed.

Sida caadiga ah kharashka ma daboolno haddii aad adigu wareysiga codsatay. Waxaa sidaas oo kale ah kharashka ku baxa dad aan loo yeerin. Haddii aan bixinayno qaar ka mid ah kharashaadkan waa in horey loo kala caddeeyaa oo lagala hadlaa xafiiska dadka u yeera ee UNE. Waa inaad baahida si wanaagsan u sharraxdaa.

Ma bixinno kharashka ku baxa qareen kaa caawinaya wareysiga. Haddii aad qareen leedahay waxaan bixin karnaa kharashka safarka ee qareenka iyo midka cawabariga haddii loo baahan yahay.

Haddii aad xaq u leedahay in lagaa daboolo kharashka safarka, waa in aad buuxisaa foom aad ku dalbanayso in laguu soo celiyo kharashkii safarka (English only) oo aad foomka iyo rasiidyadii safarka ku dirtaa supportoko@une.no. Warqad ahaanna waad u soo diri kartaa adigoo ku soo hagaajinaya ciwaankayaga boostada (English only). Waxaan daboolnaa kharashka baska, tareenka iyo T-baanaha, laakiin caadiyan ma daboolno kharashka taksiga. Haddii aad ku khasban tahay inaad taksi qaadato, waa in taas horey loogala sii heshiiyaa xafiiska dad u yeerista ee UNE.

Haddii aad raacayso diyaarad ama tareemmada gobollada, markaas waa inaad tigidhada ka dalbataa Egencia oo telefoonkeedu yahay: 23 15 04 30. U sheeg kowdhka iyo lambarka tixraaca ah ee ku qoran warqadda aan kuu soo dirnay.

Haddii uu wareysigu ka dhacayo golaha UNE oo aad u baahan tahay inaad cawabarido, waxaad xafiiska dadka u yeera ee UNE kula xiriiri kartaa iimaylka mail_inka@une.no.

Waxaan heshiis la leennahay hoteelka Clarion Collection Hotel Gabelshus ee ku yaalla Gabels gate 16 ee Frogner. Hoteelku wuxuu bixiyaa quraac, qado la duubanayo iyo casho, wuxuuna ku yaallaa meel golaha UNE u jirta qiyaastii 35 daqiiqo oo lug ah. Waxaad sidoo kale soo raaci kartaa tiriigga, sida lambar 13 oo aad ka soo raaci karto Skillebekk, oo uga degi kartaa Dronningens gate.

Qareemmada raacaya diyaarad ama tareemmada gobollada, waa laga dabooli karaa kharashka safarka iyo midka uga baxa cawabariga hoteel haddii loo baahan yahay. Waa in qareenku ka dalbadaa shirkadda socdaalka ee Egencia. Safarka iyo hoteelka waa in isku mar la dalbadaa, waana in la dalbadaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtaggalka ah kaddib marka qofka loo yeero. Qofka dalabka samaynaya waa in uu dhiibaa kowdhka iyo lambarka tixraaca ee ku qoran warqadda ka timid UNE.

Shirkadda socdaalku waxay isticmaashaa hoteello joogto ah oo ay UNE heshiis la leedahay. Hadda waxaan heshiis la leennahay Comfort Hotell Børs iyo Comfort Hotell Karl Johan. Hoteel kale lama dooran karo, haddii aysan buuxin hoteellada heshiiska lala leeyahay. Qareenku waa inuu u safraa habka ugu jaban, ugu dhakhso badan oo bey'addana ugu roon ee waafaqsan xeerarka safarka ee dawladda.

Egencia waa shirkadda socdaalka ee ay UNE heshiiska la leedahay. Waa inaad shirkaddaan socdaalka ka dalbataa diyaaradda/tareenka/hoteelka. Waa inaad ku dalbataa telefoon ama iimayl.

Telefoon: 23 15 04 30 (habeen iyo maalinba furan)

Iimayl: customer_service@egencia.no

Ilaa iyo inta ay suurtaggalka tahay waxaa dalabaadka la samaynayaa saacadaha shaqada.