Inta badan kiisaska UNE waxaa lagu dhammeeyaa iyada oo aan gudigu kulmin. Laakiin haddii aanu aragno in shaki ku jiro natiijada saxda ah ee kiiska, waxaa go'aan ka gaadhi doona gudiga.

Kiisaska ay badanaa gudiga UNE go'aamiyaan waxey ku saabsan yihiin ilaalinta ama degganaansho sababo bini'aadannimo dartood. Markaa waxaa jira saddex qof oo si wadajir ah u go'aaminaya natiijada. Kuwaas oo kala ah hogaamiyaha gudiga oo ka shaqeeya UNE iyo laba xubnood oo debadda ka yimaada. Inta badan kulamada gudiga, qofka ay khusayso ayaa loo yeedhaa si uu isu sharaxo gudiga.

Hadafka kulanka gudiga inta badan waa in la helo macluumaadyo dheeraad ah kahor inta aan kiiska go'aan laga gaadhin. Mararka qaarkood waxaa jira shaki ku saabsan xaaladaha dal, fahanka xeerarka ama su'aalo kale oo muhiim ah.

Tusaale ahaan, waxaan go'aan ku gaadhi karnaa kiis kulan guddi:

  • Hadii aanu u baahanno in aan la hadalno qofka ay khusayso. Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood aaney helin fursad ay ku faahfaahiyaan mawduucyo muhiim u ah kiiska.
  • Haddii aanaan hubin in qofku bixiyay macluumaad sax ah. Waxey noqon kartaa macluumaad ku saabsan qofka uu yahay, dhacdooyin muhiim ah ama xaaladaha dalka hooyo. Faahfaahinno qotodheer waxey keeni kartaan sababo la hubo si go'aan loo gaadho.
  • Haddii aanaan hubin in aan oggolaansho bixino, qofka masaafurino ama oggolaansho dib ula noqono. Waxaa tusaale ahaan hubsiimo la’aanta sabab u noqn kara cudur halis ah ama tixgelinta carruurta Norway ku nooleyd muddo dheer. Badanaa gudigu uma baahna iney la kulanto qofka ama dadka ay arintu khusayso si ay go'aan u gaadho.