Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin in la dhegaysto oo ay helaan fursad ay kaga qayb qaataan go'aamada iyaga khuseeya. Waxa sidan dhigaya Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (halkan ka gal). Taa macneheedu waxa weeye, adigaaga ilmaha ah, waxaad xaq u leedahay inaad sheegto waxa aad u malaynayso ama u aragato arrimaha adiga ama qoyskaaga khuseeya. Adiga oo keliya ayaa go'aamin kara haddii aad rabto in lagu dhegaysto, ee cid kale ma aha. Adiga ayaa sidoo kale go'aaminaya waxa UNE ogaaneyso iyo waxa aanaad rabin inaad ka hadasho.

Waxaa jira siyaabo badan oo aad UNE ugu sheegi karto waxa aad rabto inaad sheegto. Waxa aad la hadli kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahay, sida waalid, kalkaalisada caafimaadka, macallinka, tababaraha kubada cagta ama qareenka kiiska.

Qofka weyn ee aad la hadashaa waa inuu qoro waxa aad tidhi oo uu noo soo diraa. Adiga laftaada ayaa sidoo kale noo qori kartaa, ama sawiri kartaa. Haddii aad rabto, qof weyn ayaad weydiisan kartaa inuu ku caawiyo.

Mararka qaarkood UNE ayaa ku weydiinaysa inaad rabto inaad noo timaado oo nala hadasho. Waa ikhtiyaari. Haddii ay tani ku khusayso, waxaad soo kaxeysan kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahey.

Adiga laftaadu waxaad naga codsan kartaa inaad nala hadasho. Haddii aan kaa aqbalno, waxaan ku wada hadli karnaa shabakada netka, qolka shirarka ee UNE ee Oslo ama telifoonka. Marka aad nala soo xidhiidho, waxeynu isla garan doonaa sida aan u wada hadli doono.

Halkan waxaad ka daawan kartaa filim ku saabsan sida ay tahey inaad nala kulanto.

 

Sida caadiga ah, wuu ogaanayaa waalidkaa waxa aad sheegtay. Haddii ay leeyihiin qareen, qareenkuna sidoo kale wuu ogaan doonaa. Laakiin haddii aad rabto inaad sheegto wax aan waalidkaa ogaan doonin, waxaanu heli doonaa xal fiican. Markaa waa inaad noo sheegto wixii qarsoodi ah iyo sababta.

Waa inaan u sheegno maadinta carruurta ama booliiska haddii aan aaminsanahay in laguu geystay tacadi ama xadgudub. Waxaad boggan ka akhriyi kartaa wax badan oo ku saabsan waxa ay maadinta carruurtu qabtaan: Xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada ee maadinta carruurta - wakiilka carruurta Wakiilka carruurta (Norwegian only).

 

Markaad fikradaada dhiibato, waxey UNE sii wadi doontaa inay ka shaqeyso kiiska qoyskaaga. In lagu dhegaysto macnaheedu ma aha inaad go'aamin karto sida wax u dhacayaan. Had iyo jeer UNE ayaa go'aaminaysa iyadoo raaceysa xeerarka khuseeya. Inkasta oo ay UNE go'aamin karto in cid qoyskaaga ka mid ah aaney ku noolaan karin Norway, hadana adiga khaladkaaga ma aha.