Kulan guddi waa habka lagu dhegeysto oo lagu xalliyo kiis horyaala Guddida qaxoontiga (Utlendingsnemda).
Kulanka guddiga (nemndmøte) waxaa kiiska sida caadiga ah u dhegeysta oo go’aan ka gaara saddex qof oo wadajir loogu yeedho guddi (nemnd). Guddigu waxa uu ka kooban yahay guddoomiye guddi ah oo shaqaale ka ah Utlendingsnemnda (UNE) iyo laba xubnood oo guddi ah.
UNE waxay leedahay in ka badan 200 xubnood oo guddi ah.
Xubnaha guddiyada waxaa magacaaba Wasaaradda Caddaaladda iyo Heeganka (Justis- og beredskapsdepartementet), iyadoo lagu salaynayo soo-jeedimo ka imanaya gudoomiyaha gobolka iyo ururro kala duwan.
Labada xubnood ee guddiga (nemndsmedlemmer) waxaa si nasiib ah looga soo xulaa laba kooxood oo kala duwan. Mid ka mid ah xubnaha waxaa soo jeediya gudoomiyaha gobolka ama ururrada shaqaalaha sida Norges Juristforbund ama Samfunnsviterne. Xubinta kale waxaa soo jeediya ururrada samafalka ee ka shaqeeya arrimaha qaxootiga, magangelyada iyo socdaalka, tusaale ahaan NOAS – Norsk Organisasjon for Asylsøkere ama Laanqayrta Cas (Røde Kors).
Hawlaha Guddiga
Guddiga waxaa saaran mas’uuliyad wadareed ah in ay hubiyaan in kiiska si buuxda loo iftiimiyo, iyo in laga gaaro go’aan waafaqsan sharciga.
Guddigu waxay si wadajir ah u daraasaynayaan kiiska, sidoo kalena waxay go’aaminayaan natiijada kiiska, iyaga oo aan ku xirnayn shaqo-bixiyahooda ama cidda mid kasta soo jeedisay xubinnimadooda guddi-nimo. Guddigu sidaas darteed waa hay’ad go’aamadeeda si buuxda ugu madax-bannaan oo aan lagu amri karin ama lagu faragelin karin go’aanka ay gaaraan. Dhammaan ka qaybgalayaasha kulanka guddiga (nemndmøte) waxaa saaran waajib sirqarineed oo ku saabsan xogta kiiska.
Kulanka guddiga (nemdmøte) waxa uu dhici karaa iyadoo codsaduhu goob-joog yahay ama aan ahayn
Kulanka guddiga (nemdmøte) waxa uu u dhici karaa siyaabo kala duwan:
- Kulan xiran oo mas’uulka kiiska haya (saksbehandler) uu kiiska u soo bandhigo guddiga; kulankan waxaa badanaa loo yaqaan «guddi aan shakhsi ahaan loogu hortegin (nemnd uten personlig fremmøte)».
- Kulan uu codsaduhu ka qaybgalayo isaga oo ay wehelinayaan qareen ama wakiil kale haddii uu doonayo, iyo turjubaan (kulan noocan ah waxaa loo yaqaan «guddi shakhsi ahaan loo hortagayo (nemnd med personlig fremmøte)»). Halkan waxaa kale oo mas’uulka kiiska haya (saksbehandler) uu caawinayaa guddiga inta lagu jiro kulanka. Waxaa sidoo kale jiri kara taageero ka timaada cid kale, tusaale ahaan la-taliye xogogaal u ah waddanka oo ka socda Landinfo, oo ah (waaxda hay’adaha socdaalka ee ku takhasustay xogta dalalka).
- Xaalado gaar ah ayaa waxaa dhici karta in guddi ballaadhan (stornemnd) uu go’aan ka gaadho kiiska. Guddiga ballaadhan waxa uu ka kooban yahay saddex guddoomiye guddi oo shaqaale ah iyo afar xubin guddi ah. Sida caadiga ah, codsaduhu wuu ka qayb gali karaa kulanka.
Daawo filim ku saabsan kulanka guddiga
Xeerarka ku saabsan kulamada guddiga (nemndmøter) iyo kulamada guddiga ballaadhan (stornemndmøter) waxaad ka heli kartaa sharciga ajnabiga (utlendingsloven) § 78 (lovdata.no) iyo xeer-nidaamiyaha ajnabiga (utlendingsforskriften) § 16-3 (lovdata.no) iyo qodobo kale.
