BF01

Ku soo dhawow guddiga arrimaha ajnebiga - ama dheh UNE haddii aad rabtid.

BF02

Mararka qaarkood ayaannu weydiinaa inay ilmo doonayaan inay noo yimaadaan oo nala hadlaan, si aannu u helno warbixin dheeraada oo ku saabsan adiga iyo reerkaaga. Wadahadalkaasi waa haddii aad adigu rabtid oo kaliya.

BF03

Waxaad soo kaxaysan kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahay – tusaale ahaan qareen ama abbaan.

BF04

Markaad UNE joogtid waxaad la hadli kartaa guddoomiyaha guddiga. Guddoomiyaha guddigu waa xaakim oo kale, oo waxa uu mas'uul ka yahay dacwaddaada ama tan reerkaaga.

BF05

Waxaan leennahay qol u gaara carruurta yaryar ee nala hadlaya.

BF06

Dhammaan kuwa aan noorweejiga aqoon waxaa u jooga turjumaan.

BF07

Afar qof oo dad waaweyn ah ayaa wadahadalka kala socon doona iskiriinka qolka deriska ah. Saddex UNE ka socda iyo abbaankaaga ama qareenkaaga ayaa la socon doona waxa aad adiga iyo guddoomiyaha guddigu ka wada hadlaysaan.

BF08

Guddoomiyaha guddigu waxaa uu wax weyn iyo wax yarba kaa weydiin doonaa wixii ku saabsan adiga iyo koritaankaaga. Asaga ama ayadu waa qof yaqaan sida loola hadlo carruurta, mararka qaarkood xataa waxyaabo adadag.

BF9

Haddii aadan awoodin ama rabin in aad ka jawaabtid su'aal, taasi dhib ma leh. Laakiin xusuusnow in waxaad sheegaysid oo dhan ay run ahaadaan.

BF10

Dadka UNE jooga oo dhan waxaa saaran waajibka sir-ilaalinta. Taas macnaheedu waa in aannaan sharci u lahayn in aan u sheegno wixii aad sheegtay cid kale.

BF11

Waxaad xaq u leedahay in sida ay kula tahay aad uga warrantid arrimaha adiga kugu saabsan. Waxa aad sheegtid waxay wax weyn u tarayaan in UNE ay go'aamiso cidda sharci u yeelanaysa in ay degto Noorwey.

BF12
  • Dhammaan carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga dhegeysto iyaga dacwooyinka iyaga khuseeya
  • Mararka qaarkood waxaannu ku weydiinnaa inaad noo timaaddo oo nala hadasho. Taasi waa haddii aad doonaysid oo keliya.
  • Haddii ay jiraan waxyaabo aadan doonayn inaad ka hadasho, taasi dhib ma leh.
  • Waxaad noo sheegeysid oo dhan waa inay run yihiin.
  • Waxaad noo sheegtid sharci uma lihin inaannu u sheegno cid kale.
BF13

Ka sii akhriso wax ku saabsan wareysiga carruurta iyo kulannada guddiga UNE.no