VF1

Ku soo dhawow guddiga arrimaha ajnebiga. Markaad ka cabanayso go'aan ay UDI-du gaartay, ayaa dacwaddaada na loo soo diraa si mar kale dib loogu qiimeeyo.

VF2

Mararka qaarkood ayaannu u baahannaa warbixin dheeraada oo adiga kugu saabsan. Markaas ayaannu kuugu yeereynaa kulan guddi, taasoo fursad kuu siinaysa in aad ka sii warrantid dacwaddaada.

VF3

Sida badan waxaa uu guddiga arrimaha ajnebigu ka baaraandegaa dacwooyinka la xiriira ilaalinta iyo magangelinta. Inkastoo taasi jirto haddana kulanka guddigu xaggayaga ma aha waraysi magangelyo oo cusub. Hadda ujeeddadu waa in la sii caddeeyo suaalo aan laga jawaabin. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah inaad uga faaiideysatid fursaddaan inaad runta sheegtid iyo ka warbixinta dacwaddaada sida ugu wanaagsan ee suuragal ah.

Grafisk illustrasjon av mennesker rundt et bord i et nemndmøterom

Dhawr qof ayaa joogi doona kulanka guddiga.

VF5

Haddii aad qareen leedahay waxaa uu fadhin doonaa dhinacaaga. Qareenku waxaa uu hubinayaa in xuquuqdaada la ilaaliyo.

VF6

Dhinaca kale ee miiska waxaa jooga guddoomiyaha guddiga. Guddoomiyaha guddigu waa garyaqaan, oo waxaa uu leeyahay aqoon xaakim.

VF7

Guddoomiyaha guddiga ayaa hoggaaminaya kulanka, ayadoo ay la jiraan labo xubnood oo ka tirsan guddiga. Saadexdooda ayaa ah guddiga ayagaana go'aaminaya dacwaddaada. Go'aanka ay qaadan doonaan waxa uu ugu horrayn ku salaysnaan doonaa wixii aad adigu horay u sheegtay, iyo waxa ka soo baxa kulanka guddiga.

VF8

Dacwad-hayuhu waa qof u diyaarinaya dacwaddaada guddiga, laakiin wax lug ah kuma laha go'aaminta dacwada. Inkastoo taasi jirtana way kaaga imaan kartaa su'aali dacwad-hayaha waqtiga kulanka guddiga.

VF9

Mararka qaarkood waxaa goobta kulanka guddiga joogi kara lataliye-daleed oo ka socda waaxda akhbaarta dalalka (Landinfo). Lataliye-daleedku waxaa uu aqoon fiican u leeyahay dalka aad ka soo jeeddo, waxaase kaliya oo uu si guud wax uga sheegi karaa xaaladda meesha aad ka timid.

VF10

Waxaa sidoo kale joogi doona kulanka turjumaan. Turjumaanku waxaa uu tarjumayaa wixii laysku yiraahdo oo dhan, waxaana aqoonsaday oo tayadiisa hubiyey UDI-da. Taasoo macneheedu yahay in turjumaanka, sida dhammaan dadka kale ee jooga kulanka guddiga, uu saaran yahay waajibka sir- ilaalintu.

VF11

Waa lagu ciqaabi karaa haddii dadka ka qaybqaatay kulanku ay arrinta sir-ilaalinta jebiyaan. Sidaas darteed waad u warrami kartaa kulanka adigoon ka baqayn in dad kale ogaadaan waxa aad sheegtay.

VF12

Waxa ugu horreeya ee ka dhaca kulanka guddigu waa in guddoomiyaha guddigu uu soo bandhigo ka- qayb-galayaasha kulanka iyo waxa dhici doona. Markaan waxaa lagu weydiin doonaa su'aalo, oo waxaad fursad u heli doontaa in aad ka warranto mawduucyada ay guddigu su'aalo ka qabaan. Su'aaluhu waxay ku saabsanaan karaan aqoonsigaaga, waxaad ahaan jirtay, reerkaaga iyo waxyaabihii kugu soo dhacay dalkaaga.

VF13

Hadda waxaa lagama maarmaan ah in warbxinta aad bixinaysaa ay sax tahay. Xusuusnow in lagugu ciqaabi karo haddii aad sheegtid warbixin aad ogtahay inaanay sax ahayn.

VF14

Kulanka guddigu waxa uu qaadan karaa maalinta oo dhan, laakiin waxaa mar walba la qaataa dhawr nasasho.

VF15

Dhammaadka kulanka ayaa qareenkaagu soo jeedin doonaa khudbad gabagabo ah oo kooban. Waad qaadan kartaa kalmadda ugu danbaysa. Tani waa fusadda ugu dambaysa ee aad adiga iyo qareenkaagu u haysataan in aad la hadashaan guddiga.

VF16

Markii kulanka la gabagabeeyo ayuu dacwad-hayuhu soo koobi doonaa wixii ka soo baxay kulanka.

VF17

Markuu dacwad-hayuhu qolka ka baxo, ayaa guddoomiyaha iyo labada xubnood ee guddigu isla qaadanayaan go'aanka ugu dambeeya ee dacwada. Hadda waxay qaadataa sida caadiga ah ilaa saddex toddobaad inta lagaaga sheegayo go'aanka.

VF18

Qoraalka go'aanka waxaa loo dirayaa qareenkaaga ama adigaa toos laguugu soo dirayaa haddii aadan qareen lahayn.

VF19

Ka sii akhriso waxyaabo ku saabsan kulanka guddiga UNE.no