Gå direkte til innhold
Forsiden Om UNE UNE in other languages Kani waa Gudigga ajaanibta (UNE)

Kani waa Gudigga ajaanibta (UNE)

UNE waa xubin maamul oo u eg maxkamad oo ka hawlgasha dacwooyinka cabashada ee uu Agaasinka ajnabigu (UDI) soo diideen iyagoo tixraacaya sharciga ajaanibta.
UNE waxay maamul ahaan hoos timaadaa Ministry of Justice. Qaybtu waxay wax ku maamushaa si waafaqsan sharci, xeer, misaaniyad iyo tixgalimo gaar ahaaneed, hase yeeshee kama bixin karto tilmaamo xagga tarjumida sharciyada, qiimeyn ku maamul ama go`aan ka gaarid dacwooyin gaar ah.

Noocyada dacwooyinka UNE waxay ka kooban yihiin magangelyo doon, qoys isukeenid, sharci dal kujoog- iyo fasax shaqo, deganaansho rasmi ah, dal ka saarid, dal ka cayrin iyo fasax booqasho siin.

UNE waxay leedahay shaqaale in yar dheer boqol qof, kuwaas oo ay ka mid yihiin 26 madax-guddi oo leh awood garsoore. Waxaa intaas dheer oo ay leedahay qiyaasta 300 garqaadeyaal ah kuwaas oo si xor isu xilsaaray hawsha xubinnimada guddiga.

UNE waxay leedahaysiyaabo badan oo go`aan loo gaaro. Go`aanka waxaa guddigu gaari karaa iyadoo qofku la kulmo guddiga, guddiga oo kulmay iyadoo an qofkii soo xaadirin,ama madaxda guddiga kaligood iyo xoghaynta. Mid ka mid ah madaxda guddiga ayaa gooynaya qaabka dacwada arrin ku saabsan loo qaadayo, go`aaminta qaabka dacwada loo qaadayana racfaan lagama qaadan karo.
Sida uu qabo sharciga ajaanibta waxaa dacwooyinka an shakigu ku jirin lagu go`aamin karaa iyadoo an guddigu kulmin, madaxa guddiga ama xoghaynta. Taasi waxay noqon kartaa dacwooyinka fudud ee xeer ku dhisan kuwaasoo ay fududahay in la garto in shuruudihii sharciga iyo xeerarka la buuxiyey. Waxaa ugu horreyn loo adeegsadaa ka baaraandegida iyo kulanka guddiga dacwooyinka ajnabiga, arrimaha ku saabsan su`aalo shaki keeni kara.

Kuwa ugu badan kulamada guddiga waxaa la qabtaa marka qofku si shakhsi ah u soo xaadiro. waxaase kaloo loo qabtaa kulanka guddiga marka cabashadu aysan weydiisan kulanka. Haddii tusaale ahaan qofka cabashada soo gudbiyey iyo UDI ay isku waafaqsan yihiin gundhiga xaqiiqada falka, taas oo loola jeedo in cabtaha fasiraadiisa looga dhigay gundhig markii dacwada loo gudbineyey UNE, markaas guddiga kulankiisu wuxuu dhacayaa isaga oo an cabtuhu soo xaadirin. Soo xaadirida shakhsigu waxay sidaas darted muhiim u tahay dacwooyinka cabtuhu uu gacan ka geysan karo xaqiiqa muujintooda.

Kulanka guddiga waxaa ka qayb galaya hal qof oo madax guddi ah isaga oo ay la jiraan laba xubnood oo guddiga ah kuwaas oo ah dad an aqoon u lahayn waxa laga hadlayo. Xoghaynta UNE waxay masu`ul ka tahay diyaarinta dacwooyinka kulanka guddiga lagaga baaraandegi doono. Madaxa guddigu wuxuu soo ka dhaadhicinayaa waraaqaha dacwada xubnaha guddiga inta ka horreysa kulanka. Kulanku wuxuu ku dhacayaa isaga oo albaabadu u xiran yihiin.

Kulanka guddiga waxaa lagu furayaa iyadoo la bixinayo sharaxaad gaaban oo ku saabsan dacwada, sharciyada ajaanibta ee arrintaas khuseeya iyo xeerarka ajaanibta iyo su`aalaha ugu waaweyn ee gundhiga u ah dacwada. Dacwooyinka qofku soo xaadirayo wuxuu helayaa cabtuhu fursad uu ku dhiibo warar iyo qiimeyntiisa ku saabsan dacwada. Waxaa kaloo suurtogalaysa in
su`aalo la weydiiyo qofka cabanaya. Qofka awooda leh buuxda waxaa u suurtogeleysa in uu soo koobo dacwada. Dacwooyinka lagaga baaraandego kulanka guddiga, waxaa lagu fuliyaa go`aanka tirada badan. Go`aanka laga gaaray dacwo gaar ah dib looma qaadi karo, ha ahaato qaybta, dawlada amase UNE madaxdeeda.