• Khalad ama is-fahamdarro ma ku jiraan kiiska?

    Haddii aad aamminsan tahay in ay khalad iyo is-fahamdarro kiiska ku jiraan, waa in aad noo sheegtaa. Waxay tusaale ahaan kuwaasi ku jiri karaan wareysigii magangelyada ama go’aankii UDI-da. Uma baahnid in aad noo sheegto waxa ku qoran cabashada, maxaa yeelay taas horay ayaannu u soo akhrisannay.

  • Ogow dhammaan dadka jooga kulanka guddiga arrimaha ajaaniibta waxaa saaran waajib xog qarin


    Dhammaan dadka jooga kulanka guddiga arrimaha ajaaniibta waxaa saaran waajib xog qarin. Taas oo micnaheedu yahay in aan loo oggolayn in ay kiiskaaga meelo kale uga hadlaan. Sidaas darteedna si xor ah ayaad u hadli kartaa. Kulanka albaabbadu waa u xiran yihiin, oo qof aan shaqo ku lahayn ma ogaanayo waxa meesha ka dhacaya.

  • Haddii aad haysid warbixin cusub oo kiiska ku saabsan, waa in aad kulanka ka hor soo gudbisaa


    Haddii aad haysid warbixin cusub, ama doonaysid in aad dukumiinti dhiibtid, waa in adiga ama wakiilkaadu aad kuwaas noo soo dirtaan wakhti fiican kulanka ka hor. Waxay taasi muhiim u tahay sidii uu guddigu si wanaagsan ugu diyaargaroobi lahaa.

  • Waa in aan helnaa dukumiinta aqoonsigaaga caddaynaya


    Inta badan aqoonsiga qofka ayaa kulankaan ah mawduuc muhiim ah. Haddii aad haysid, ama aad dalkaagi ka keeni kartid baasabboor ama dukumiinti aqoonsi oo kale, waa in aad kuwaas noo soo dirtaa wakhti fiican kulanka ka hor. Dukumiintiyada waxaa loo baahan yahay in ay orijinaal ahaadaan. Aqoonsigu waa warbixinno badan oo marka laysu geeyo sheegaya qofka aad tahay. Warbixinnada noocan ah waxaa tusaale ahaan ka mid ah magacaaga, taariikhda dhalashada, waalidkaa iyo meesha aad ku dhalatay. Haddii aadan haynin dukumiinti muujinaya waxyaalahan oo idil, waxaa si kastaba muhiim ah in aad noo soo dirto waxa ugu badan ee aad heli karto.
  • Soo sheeg haddii aad baahi gaar ah qabto


    Haddii aad u baahan tahay caawin khaas ah iyada oo ay sababtu tahay in aad qabto nooc curyaannimo ah, dhibaato caafimaad ama baahi kale oo khaas ah, waa in aad u soo sheegtaa sida ugu dhakhsaha badan ee suuraggalka ah.

Tillaabooyinka ka-hortagga cudurrada

Tillaabooyinka ka-hortagga cudurrada ee kale waxaa ka mid ah:

  • daawada bakteeriyada disha
  • inta kulanka guddigu socdo oo muraayado la kala dhex dhigo xubnaha guddiga iyo qofka cabashada qaatay/qareenka.